Type Here to Get Search Results !

“Wali Ma Aanu Dhimanin” – Halyeyga Brazil Ee Cafu Oo Magacaabay Xiddig Rajadiisu Sii Dhimanayso Oo Ku Guuleysan Karaya Abaal-marinta Ballon d’Or

0

 


Halyeyga Brazil ee Cafu ayaa rumaysan in laacibka xirfaddiisu hoosta usii socoto ee Neymar Jr aanay wali ka dhimanin rajadiisii ku guuleysiga abaal-marinta xiddiga adduunka ee Ballon d’Or.

Cafu oo u warramay wargeyska Diario Sport, ayaa niyad-samaan badan u muujiyey Neymar, waxaanu u sheegay in uu farxad badan heli karo, siina wadan karo sare u qaadista xirfaddiisa ee heerka caalami ah.

“Waxa la sheegay in ay ka muuqato xaalad maskaxeed, sababtoo ah waa ciyaartoy weyn, laakiin anigu waxa aan wali arkayaa inuu ku guuleysan karayo abaal-marinta Ballon d’Or” Ayuu yidhi Cafu.

Waxa uu kusii daray: “Wali waxa uu ka mid yahay saddexda ciyaartoy ee ugu wanaagsan dunida. Waxa aan rajaynayaa inuu muddo dheer sii ciyaari doono. Waxa hubaal ah, in maalinta aan ka waayo garoomada ee uu sii wadan waayo ciyaarta, in aan murugoon doono.

“Ma aha in aynu illowno cadaadiska badan ee saarnaa garbihiisa tan iyo yaraantiisii. Waana shaqsi ay dadku doonayaan in ay arkaan isaga oo ciyaaraya mar walba.”

Neymar ayaa sannadkii 2017 ka tegay Barcelona, waxaanu u wareegay Paris Saint-Germain si uu uga hoos baxo Lionel Messi oo la tilmaamayay in uu qarinayo, waxaanu u arkayay fursad uu ku noqon karo xiddiga ugu wanaagsan dunida, laakiin taasi illaa hadda ma dhicin.

30 jirkan ayaa hadda diiradda saaraya Koobka Adduunka 2022 ee uu xulka qarankiisa Brazil waqtiga hore usoo baxay, waxaana uu xalay dhaliyey mid ka mid ah goolashii ay garoonka Maracana Stadium ee magaalada Rio de Janeiro ku karbaasheen Chile.





Post a Comment

0 Comments